Bishii Oktoobar 2022, waxa Madaxwaynaha Somaliland uu saxeexay Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Caruurta. Qoraalkani waxa uu faah-faahinayaa muhiimadda uu Xeerkani u leeyahay ilaalinta xuquuqda carruurta Somaliland oo ah dal aan saxeexin ama qayb ka ahayn heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, sababta oo ah waa dal aan la aqoonsan.
Xeerarka xuquuqal insaan ee Somaliland
Somaliland waxa ay sannadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka madax banaan tahay Somalia. Waxa ka jira hay’ado u madax banaan – dawlad, booliis, ciidan qaran, garsoorayaal iyo qareenno – balse dalalka kale weli ma aqoonsana. Aqoonsi la’aanta Somaliland waxa ay raad ku leedahay ilaalinta xuquuqal insaanka oo ay ka mid tahay xuquuqda caruurta. Dalalka la aqoonsan yahay waxa xuquuqal insaanka lagu ilaaliyaa heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqal insaan ee ay xubinta ka yihiin. Haseyeeshee, iyada oo ay jiraan habraacyo ay dalalka aan la aqoonsan ay xubin kaga noqo karaan heshiisyadaas, hadana waa hanaan adag. Aqoonsi la’aanta Somaliland macneheedu waxa uu yahay waa inaan Somaliland xubin ka noqon karin heshiis caalami ah oo xuquuqal insaan. Somaliland xubin kama aha Mucaahadada Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Caruurta ama heshiis kale oo xuquuqal insaan. Taasi waxa ay keentay in dadka ku nool gudaha Somaliland aanu ilaalin xeerka caalamiga ah ee xuquuqal insaanku. Si ay dadku u ilaashadaan xuquuqdoooda waxa ay ku tiirsan yihiin xeerarka Somaliland oo keliya. Waxa arinka sii adkeeyey nidaamka sharci ee Somaliland oo ah mid badan (plural legal system) oo ka kooban xeer dhaqameed, Shareecada iyo xeerarka dawladdu samayso. Shareecadu waxa il u ah Quraanka, Sunnaha (oo ah wixii laga maqlay iyo wixii lagu arkay Nebi Maxamed), Ijmaac, Qiyaas iyo Curfi (caadada). Xeer dhaqameedku ma qorna (waxa jiil ba jiil ugu gudbiyaa si aan qornayn) islamarkaana waxa uu ku sallaysan yahay go’aamada ay hore uga gaadheen odayada qabiilka ee dacwad loo dhiibo ((Guurti, Xeer-beegti). Xeerku waxa uu ku xidhan yahay ururka bulsho oo ah qaiilada Soomaalida oo ay isku hayso abtirsiinta gasha awoow guud oo qabiil kastaa ku arooro. Natiijada ka dhalatay ilaha xeer ee kala duwan, mararka qaarna is khilaafsan oo tartamaya, waa inaan xeerarku kala caddayn. Dadka dembiyada gala waxa ay u leexin karaan nidaamka sharci si u dan ah iyaga oo kala dooranaya hadka nidaamka u danta ah ee ay ka helayaan natiijo u wanaagsan. Dadka dhibtu soo gaadho ma kala garan karaan meesha ay adeeg sharci ka doontaan, iyada oo mararka qaar aanay garan karinba in dembi laga galay. Tani waxa ay markaas dhashay in fullinta sharcigu noqoto mid aan habaysnayn, taas oo ay ka dhalatay in laga aamin baxo nidaamka sharci.
Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Carruurta
Geedi socodka diyaarina Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Caruurtu waxa ay bilaabantay sannadkii 2014. Waxa ay qaadatay sanado badan in uu ka gudbo labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland. Waxa uu ka kooban yahay xeerkani lix cutub: Qodobo guud, masuuliyadaha, xuquuqaha guud, daryeelka gaark ah, xaqa adeegga kaalmo sharci, iyo dembiyada iyo ciqaabaha. Xuquuqaha ku qoran Xeerka waxa ka mid ah xaqa jinsiyadda, magaca, iyo diiwaangelinta, xaqa nolosha iyo xaqa waxbarashada.
Jilayaal kala duwan oo ay ka mid yihiin hogaamiyayaasha dhaqanka, hogaamiyayaasha diinta, ururada aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah iyo siyaasiyiin ayaa qayb ka ahaa diyaarinta Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Caruurta. Xiisadda ka dhex jirta aragtiyaha kala duwan ee jilayaashaasi ay ka qabaan xuquuqal insaanka iyo sidoo kale nidaamka sharci ee badan ee Somaliland ka jira, waxa ay ka muuqdaan Xeerka dhexdiisa. Waxyaabaha muuqda waxa ka mid ah inay jiraan qabyo dhawr ah oo ka mid ah Xeerka oo aan waafaqsanayn nidaamka sharciga caalamiga ah ee u yaal ilaalinta xuquuqda carruurta ee ku astaysan Mucaahadada Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Caruurta. Tusaale ahaan, Xeerku waxa uu ku qeexay caruur qofka ka yar 15 sannadoood (Mucahaadada Qaramada Midoobay waxa ay caruur ku qeexdaa qof ka yar18 jir). Sidoo kale Xeerku waa uu ka aamusay gudniinka hablaha iyo guurka carruuta. Waxa intaas dheer, Xeerku wax kama odhan sida iyo goobta lagu haynayo caruurta ay waalidkooda ama qoyskoodu ku tacadiyaan.
Talaabo hore loo qaaday
Inkasta oo ay sidaas tahay, hadana Xeerkani waa sharci aad muhiim u ah dhawr sababood dartood. Ugu horayn, Xeerkani waxa uu caddaynayaa doonista hogaamiyayaasha siyaasadeed iyo bulsho ee ah inay sameeyaan xeer dawladeed oo ilaaliya xuquuqda carruurta. Arinkani waa muhiim sababta oo ah xuquuqda carruurtu kuma qorna dastuurka, sidaasdarteed waxa jira madhnaansho sharci. Dhinaca kale, inkasta oo xeer dhaqameedka iyo Shareecadu ay leeyihiin mabaadi ku saabsan caruurta, hadana xeer dhaqameedku ma qorna, Shareecaduna waxa ay ku qoran tahay kutub kala duwan iyo aragtiyaha fuqahada kala duwan. Sidaasdarteed, xeer dawladeed oo ku saabsan xuquuqda carruurtu waxa uu buuxinayaa madhnaanshahaas oo waxa uu gacan ka gaysanayaa in la helo wax la isku waafaqsan yahay iyo xeer cad. Ta labaad, Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Carruutu waxa uu ku biirayaa Xeerka Garsoorka Caruurta, 2008, oo ah xeer horusocod ah marka xeerarka kale la barbar dhigo, kaas oo ku saabsan caruurta sharciga khilaafta. Marka la isku daro Xeerka Nidaamka Garsoorka iyo Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Carruurta, waxa ay abuurayaan nidaam sharci oo ay dadka xuquuqda u dooda iyo qareenadu ay ku tiirsanaadaan marka ay u doodyaan ilaalinta, ixtiraamka iyo bixinta xuquuqda carruurta. Tusaale ahaan, Xeerka Nidaamka Garsoorka Carruurtu waxa uu ka ilaalinayaa carruurta da’doodu ka yar tahay 15 jir in lagu soo oogo dacwad ciqaab ah, halka Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Carruurtu ay ku jirto mabda’ ilaalinta danta u wanaagsan ee ilamaha marka la eegayo dhamaan arimaha khuseeya carruurta. Ta sadexaad, Xeerka Garsoorka Carruurta iyo Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Caruurta waxa ay xigteen Mucaahadada Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Caruurta. Tusaale ahaan qodobka 3aad ee Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Caruurtu waxa uu sheegay in ujeedada xeerka inay ka mid tahay ilaalinta caruurta si waafaqsan Mucaahadada Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Caruurta. In xeer dawladeed uu aqoonsado Mucaahadada Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Caruurta waa talaabo muhiim ah oo xagga hore loo qaaday, marka la eego in Somaliland aanay xubin ka ahayn mucaahadada iyo in aan lagu dersin xaaladda Somaliland hababka ay dejisay Mucaahadada Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Caruurta.
Maxaa xiga?
Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Caruurtu waa xeer aad iyo aad muhiim u ah. Maadaama oo uu yahay xeer dawladeed waxa uu kala caddaynayaa sharci ahaan xuquuqda caruurta. Waxa intaas dheer, waa xeer helay ogolaanshaha jilayaal kala duwan oo muhiim ka ah qaybaha sharci, siyaasadeed iyo bulsho ee Somaliland oo qayb ka ahaa diyaarinta Xeerkan. Haseyeeshee, nidaamka sharci ee ku xusan Xeerka Nidaamka Garsoorka iyo Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Caruurtu weli ma gaadhsiisna xuquuqaha ku xusan Mucaahadada Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Caruurta. Arimaha dalka gudihiisa muranku ka jiro ee ay ka mid yihiin gudniinka hablaha iyo guurka caruurtu way ka maqan yihiin xeerka. Ugu danbayntii Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Caruurta waxa la ansixiyay dhowaan oo weli waa la arki doonaa in qodobada ku jira si habboon loo fuliyo. Gebogebadu waxa ay tahay in iyada oo muhiimadda Xeerkani ay tahay mid aan la yaraysan karin, hadana waa in aan loo arag in Somaliland si dhamaystiran u gaadhay geedigii ay ku ilaalinayso xuquuqda caruurta, balse waa talaabo muhiim ah oo loo qaaday jihada saxda ah.